Kaptanka kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa ka walwalsan qatarta ay la imaan karaan xidigaha kooxda Manchester City ee kala ah Kevin De Bruyne iyo Raheem Sterling ka Hor kulanka ka dhacaya Maalinta Bari ah Garoonka Old Trafford.
Kooxda Manchester City ayaa Bandhig wanaagsan xili ciyaareedkaan ku bilaabtay Kulamada Horyaalka dalka Ingiriiska waxaana kaliyah laga adkaaday Labo Kulan kulamada Horyaalka dalka Ingiriiska
Wareysi uu siiyay Tv-ga kooxda Manchester United ayuu ku sheegay laacibka heerka caalami ee xulka dalka England Rooney in Cabsida ugu badan ay kaga imaan Karto xidigaha Kevin De Bruyne iyo Raheem Sterling oo dhawaan ku biiray kooxda Manchester City

