Dowlada Wadanka Masar Ayaa Xirtay 10 Ruux oo Somalia ay ku jirto kuwaasi oo Doonayay in Ay Tahriibaan

0

Dowlada wadanka Masar ayaa xabsiga dhigtay 11-qof oo soomali ah kuwasoo doonayay In Gaaraan wadanka dariska la ah Masar ee Libiya si ay ugu sii gudbaan  wadamada Yurub qaar kamid ah

Dadka la qabtay ayaa kala ahaa 11-soomali ah 10 Ethiopian  markii la qabanaayay ayaa la sheegay in ay doonayeen in ay Tariin  ka raacaan magaalada Luxor, oo ku Taala Koonfurta wadanka Masar

Wadanka Masar  waxaa Gaarayay Mudooyinkii dambe dad ka imaanayay wadamada Sudan, Eritrea, Somalia iyo Ethiopia kuwasoo Badankooda gaaraya wadanka Labiya oo loogu Gudbo wadama Yurub

Maalintii arbacada ay soo dhaafnay wadanka Masar waxaa lagu xiray 72 soomali ah  3 u dhalatay wadanka Congo, 2 sudan u dhalatay iyo 1 u dhashay wadanka Gambi kuwasoo wada doonayay in ay ka baxaan Dakadda wadanka Masar si ay tahriib ahaan ugu sii Gaaran wadanka Talyaaniga

Afahayeenka Malatariga wadanka Masar Mohamed Samir ayaa sheegay in dowlada wadanka Masar ay xabsiga dhigtay dad Gaaraya 2,215-qof oo wada doonayay in ay gaaraan wadamada Yurub qaar kamid ah

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here