Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya jawaari oo sheegay in dib loo dhigay furitaanka kalfadhiga 7aad

0

War ka soo Baxay Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka oo markii hore loo asteeyey 21ka bishan October.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari ayaa ugu Baaqay Xildhibaanada dhammantood in  dalka ay soo galaan diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka

Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay Xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Baarlamanka in Ugu dambeyn ay dalka ugu soo laabtaan Tariikhda markey tahay 23 -Oktoobar

Hadalka Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan jawaari ayaa imaanaya xili Golaha Baarlamaanka hadda jira oo ah madasha 9aad ee Baarlamaan ay Soomaaliya yeelato waxaa hada u haray laba Kalfadhi oo kala ah Kalfadhiga 7aad iyo 8aad  waxaa Horyaalo arimo badan oo loogu Baahan yahay in xal ay ka Gaaraan Xildhibaanada

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here