Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Amisom Christine Alalo iyo xubno kale oo ka Tirsan Booliska Amisom ayaa maanta Booqday Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada-Hoose
Waxaa Magaladaas kusoo dhaweeyay Madax ka Tirsan Maamulka Jubada waxaa kamid ah wasiirka arimaha Gudaha iyo amniga Maaamulka Juba-land Mohamed Warsame Darwish
Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Amisom Christine Alalo ayaa kulamo kula qaaday Madaxtooyada Maamulka Juba-land Madax ka Tirsan Maamulka Juba-land uu kamid yahay wasiirka arimaha Gudaha iyo amniga Maaamulka Juba-land Mohamed Warsame Darwish isagoona kala Hadlay arimaha ciidamada Booliska iyo waxyaalaha ay xiligaan u baahan Yihiin
Dhanka kale Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Amisom Christine Alalo oo saxaafada la Hadlay ayaa dhankiisa sheegay in Maamulka Juba-land ay kala Hadleen arimaha ciidamada Booliska iyo ciidamo dhawaan Tababar loogu Furay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada-Hoose

