Waxaa Mar kale hawada dib ugu soo laabtay Tv-ga Universal xaruntiisa Magalada Muqdisho oo dhawaan ay xireen ciidamo ka Tirsan kuwa Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee dowlada soomaliya
Xarunta Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho ayaa hawada ka Maqnaan Mudo sagaal maalin ah ka dib markii ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay Amar ku bixiyeen in uusan shaqeyn karin ilaa Amar dambe
Waxaa la xaqiijiyay in hawada uu dib ugu soo laabtay uuna shaqadiisa wadan doono kadib 9maalmood uu hawada ka Maqnaan tv-ga xaruntiisa magaalada Muqdisho waxana sidoo kale la xiray xiligaas Mas’uuliyiin ka Tirsanaa Tv-ga xaruntiisa Muqdisho

