Ciidamada ka Tirsan kuwa Booliska Maamulka Puntland ayaa Maanta Tababar loogu soo xirayaa Kulliyadda Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Carmo.
Xiritaanka Tababarka ciidamada Booliska Maamulka Puntland loo sameenayo waxaa ka qeyb Gali doona Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed Maxamed sheikh xasan Xaamud oo ku sugan qeybo kamid ah deeganada Maamulka Puntland iyo saraaiil ka Tirsan ciidamada Booliska Maamulka Puntland
Dhanka kale waxaa la sheegay in marka tababarka loosoo xiro Ciidanka Booliska ay dib uga hawl gali doonaan Gobolada ay ka yimaadeen Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka Tirsan ciidamada Booliska maamulka Puntland
Arrintan ayaa kuso beegmaysa xilli Dawladda Maraykanka ay ciidanka Booliska Maamulka Puntland ugu deeqday lacag dhan Hal Milyan oo doolar($1,000,000).

