Taliyihii Hore ee ciidamada Xooga dalka soomaliyeed daahir aadan cilmi indha qarshe oo la Hadlay warbaahinta ayaa beeniyay warar ku aadna in aysan ciidamada dowlada soomaliya heli jirin mushaaraad
Isagoo ka Hadlaayay warbixin ay soo saareen Gudiga cunaqabateynta hubka ee qaramada Midoobe oo ku aadan in mushaar la’aanta hay’sato ciidamada dowlada soomaliya ay fursad u tahay ciidamada al-shabaab
Wakaalada wararka ee Reuters oo warbixintaan kasoo Xigatay Gudiga cunaqabateynta hubka saaran soomaliya ee qaramada Midoobe ayaa sheegtay in mushaar la’aanta Haysata ciidamada dowlada soomaliya ay dhib u dhac ku keeni Karto Guulihii ay ciidamada dowlada soomaliya ay Gaareen Mudooyinkii dambe
Dhanka kale Ciidamada dowlada soomaliya ayaa Mudooyinkii dambe la Hadal haayay in ay Hay’sato Mushaar la’aan xili ay la wareegeen goobo badan ay ku sugnaayeen ciidamada al-shabaab

