Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada Soomaliya iyo Beesha Caalamka oo Gaartay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

0

Warar ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in Halkaas laga Dareemayo Qaban-qaabada soo xulista baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya uu yeelan doono

Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada soomaliya ayaa Goor dhaweyd gaartay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay waxaa kamid ah wasiirka arimaha Gudaha dowlada soomaliya  C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa  iyo xubno kale

Sidoo kale waxaa Gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka madax ka Tirsan  urur-gobolledka IGAD kuwasoo Goob joog ka Noqon doona soo xulista Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay wadooyinka Magaalada Baydhabo waxaa lagu arkayaa ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya iyo ciidamo ka Tirsan kuwa Midowga Africa ee amisom

wixii kuso kordha kala soco simbanews.com 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here