Dowlada soomaliya ayaa Xabsiga ka sii deysay Labo wariye oo ka Tirsanaa Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho oo Todobaad ka Hor ay xabsiga dhigeen ciidamo ka Tirsan kuwa Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka
suxufiyiinta dowlada soomaliya u xirnaa waxaa kamid ahaa Agaasimihii Tv-ga Universal ee Bariga iyo Bartamaha Africa C/laahi Kulmiye xirsi iyo wariye Cawil Daahir Salaad oo ahaa mid kamid ah soo saarayaasha Barnaamijyada
Ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa dhawaan Gaaray xarunta Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho iyagoona xabsiga dhigay Agaasimihii Tv-ga iyo wariye Cawil daahir salaad
Qaar kamid ah Shaqaalaha Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho aynu la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay In dib xuriyadooda ay u heleen Maamulkii Tv-ga Universal ee magaalada Muqdisho

