Waxaa Maanta Lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka dhaco kulan loogu Hadlaayo sidii loo xalin lahaa qaar kamid ah qodobada mooshinka ku xusan oo laga Gudbiyay Madaxweynaha soomaliya
Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari oo saxaafada shalay kula Hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in marey saacada Maanta tahay 11:00 barqanimo uu dhici doono kulan lagu xalinaayo qaar kamid ah qodobada mooshinka xildhibaanada ay soo Gudbiyeen 12-bishii aynu soo dhaafnay
Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed shiikh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay in kulanka ay kasoo qeyb galaan xildhibaanada mooshinka kasoo Gudbiyay Madaxweynaha soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud kuwasoo ku eedeeyay Madaxweynaha In uusan ku Guuleysan xilkii loo Magacaabay sanado ka Hor

