Iyadoo dhawaan heshiis uu ka dhacay Magaalada Muqdisho kasoo ku aadan in Maamul loo sameeyo Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe ayaa waxaa arimahaas ka Hadashay wasaaradda arimaha Gudaha ee dowlada soomaliya
Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Cali Abtidoon Xalane oo saxaafada kula Hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan la guda Gali doono dhisada Maamulka Hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo kamid mid Noqon doona Maamulada dalka ka Jira
Wasaaradda arimaha Gudaha Dowlada soomaliya ayaa dhawaan ku Guuleystay dhisida Maamulka Galmudug oo haatan caasimadiisa KMG-ga ay tahay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud
Dhanka kale waxaa jira qilaaf ka Taagan Halka shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe lagu Marti Gali doono

