Ururka Suxufiyiinta CPJ ayaa ka Hadlay xarigii Todobaadkii Hore loo Geystay qaar kamid Maamulka Tv-ga Universal xaruntiisa Magaalada Muqdisho uu ku leeyahay
Ururka ayaa sheegay in si sharci daro ah ay ku xiran Yihiin Abdullahi Hersi Kulmiye agaasimihii Bariga iyo Bartamaha Africa ee Tv-ga Universal , iyo wariye Cawil Dahir salaad kuwasoo Todobaadkii Hore ay xireen ciidamo ka Tirsan kuwa Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoon qaranka dowlada soomaliya
Ururka CPJ ayaa dowlada soomaliya ka codsaday in lasii daayo suxufiyiinta wali xabisaga kusii Jira iyagoona Madaxda dowlada soomaliya Baaq ku aadan sii deynta suxufiyiinta u jeediyay
Wasaarada warfaafinta oo ka Hadashay xariga suxufiyiinta ayaa sheegtay in dib u eegis Lagu sameyn doono wixii ka dambeeyay in la xiro maamulka Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho
Wasaarada amniga Gudaha ee dowlada soomaliya ayaa u eedeesay Maamulka Tv-ga Universal ee magaalada Muqdisho in ku xadgudeneen Arimo Badan sidaasna loo xiray Tv-ga

