Dowlada wadanka Kenya ayaa ku eedeesay Ururka UNHCR iyo dowlada wadanka soomaliya in aysan si wanaagsan u Fulinin arimiha dib u celinta qaxootiga soomaliyeed ee wali sugan xeryaha qaxootiga Dalka Kenya
Wasiirka arimaha Gudaha dowlada wadanka Kenya Joseph Nkaissery oo ku sugan magaalada Geneva ee wadanka Switzerland ayaa sheegay in Heyadda-Qaxootiga-UNHCR iyo dowlada soomaliya ay ka Gaabiyeen in dib loo celiyo qaxootiga soomaliyeed ee wali sugan dalka Kenya kadib heshiis dhacay
Joseph Nkaissery ayaa sidoo kale sheegay in Tirada Haatan la celiyay ee soomaliya Dib ugu Laabtay ay Yihiin kuwa aad u Yar walina Xeryaha Qaxootiga wadanka Kenya ay ku sugan Yihiin dad aad u Fara badan
Dowlada wadanka Kenya , Heyadda-Qaxootiga-UNHCR iyo dowlada soomaliya ayaa heshiis wada Gaaray Bishii November 13, 2013 kasoo ku aadan in dib losoo celiyo qaxootiga soomaliyeed ee sugan dalka Kenya

