Guddiga Xuduudaha oo ka Hadlay kulamo ay la Qaateen Qeybaha Kala duban ee Bulshada

0

Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka  ayaa Bilaabay kulamo wadatashi ah ay la yeelanayaan qeybaha kala duban ee Bulshada Soomaliyeed iyagoona sheegay in lasii xoojin doono Kulamada wadashiga  ah

Kulankaan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb Galay Aqoonyahanno, Waxgarad Ururada Haweenka Dhallinyaro iyo Abwanno Soomaaliyeed, waxaana goobjoog ahaa Xubno ka Socday Wasaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan.

Dhanka kale Qaar kamid ah dadkii ka qeyb Galay Kulanka ayaa sheegay in ay in la shaqeyn doonaan Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka  madaama ay soo Usoo Bandhigeen waxyaalaha Horyaala

Dhawaan ayay aheyd markii Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka  ay meel Mariyeen Mudanayaasha Baarlamanka soomaliya iyagoona wali ay Horyalaan Howlo aad u Fara Badan

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here