Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa saakay laga dareemayaa qeybo kamid ah Gobolka Mudug Gaar ahaan deeganka Camaara ee Gobolkaas ay ku sugan Yihiin ciidamo ka Tirsan xarakada al-shabaab
Wararka naga soo Gaaraya Magaalada cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Galmudug in ay ka Ruqaansadeen deegankaas iyagoona ku wajahan deeganka Camaara Ee Gobolka Mudug
Ciidamada ayaa la sheegay in ay doonayaan in ay la wareegeen deeganka camaara ay dhawaan la wareegeen ciidamada xarakada al-shabaab oo Halkaas Haatan ka Taliya
Maamulka Galmudug ayaa Mudooyinkii dambe waday Dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ku doonayeen in ay kula wareegeen deeganada ka Maqan Gacanta Maamulka Cusub ee Galmudug

