Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo dalka dib ugu soo laabtay oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ka Hadlay wixii ugu soo qabsoomay Safarkiisa dalka Kenya
Wafdiga Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada waxaa kusoo dhaweeyay qaar kamid ah Mas’uuliyiinta dowlada soomaliya
Waxa uu Garoonka diyaaradaha uu kula Kulmay Qaar ka mid ah agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaradda Wafaarinta iyo mas’uuliyiin kale isagoona kala Hadlay arimo badan
Dhanka kale wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa ka Hadlay Xarigii Todobaadkaan loo Geystay Masuuliyiin ka Tirsan Tv-ga Univesal Xaruntiisa Magaalada Muqdisho
Wasiirka ayaa sheegay in uu Falka Xariga uu dhacay isagoo ka Maqan wadanka laakin uu wax Badan kala Socday in la xiray qaar kamid ah Masuuliyiinta TV-GA Universal ayna wasaaradiisa wax badan ay ka weydiin doonto laamaha amaanka sababtii ka dambeesay Xariga Loo geystay Maamulka Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho
Horaan ayay aheyd Markii la xiray Maamulkii Tv-ga universal ee kala ahaa Agaasimaha Universal TV ee Soomaaliya Cabdullaahi Xirsi Kulmiye iyo Wariye Cawil Daahir Salaad

