David Luiz”  Philippe Coutinho Waa In uu Ka Tagaa kooxda Liverpool

0

Daafaca kooxda Paris Saint-Germain David Luiz  ayaa aaminsan in xidiga ay isku dalka Yihiin ee Philippe Coutinho uu ka Tagi doono kooxdiisa Liverpool hadii ay usoo Bixi weyso Koobka Champions League

Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Brazil ayaa Bandhig wanaagsan ka sameeyay kooxda Liverpool Tan iyo markii uu kaga Yimid kooxda Inter Milan xili ciyaareedkii  January 2013

Mudooyinkii dambe waxaa lala xiriirnaayay u dhaqaaqista Kooxda Barcelona ee Horyaalka dalka Spain ka dhisan madaama uu xidiga leeyahay qaab ciyaareed lamid ah kooxda Barcelona

Sidoo kale xidigii Hore ee kooxda Inter Milan waxa uu dalab uu ka helay kooxda dalka Spain ka dhisan ee Real Madrid oo Liverpool usoo Bandhigtay aduun lacago badan

Daaficii Hore ee kooxda Chelsea haatana ka Tirsan kooxda Paris Saint-Germain David Luiz   ayaa aminsan in uu xidiga Coutinho uusan sii joogi doonin kooxda Liverpool xii heshiikiisa uu dhici doono June 2020.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here