Raisulwasaaraha dowlada soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay kordhinayso dhaqaalaha si ay ciidamada dowladda u helaan mushaaraad fiican
Isagoo ku sugan dalka Marekanka ayuu Mudane Cumar C/rashiid cali sharmarke uu sheegay in dowlada soomaliya ay ka Go’an tahay kordhinta Musharaadka la siiyo ciidamada dowlada soomaliya si dalka ay u difaacaan
Raisulwasaaraha dowlada soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke ayaa sidoo kale sheegay in dowlada ay mar walba Ogtahay dhibaatada ay la Kulmaan ciidamada dowlada soomaliya oo dagaalo kula Jira xarakada al-shabaab
Ciidamada dowlada soomaliya iyo shaqaalaha dowlada ayaa mar walba cabasho ka Muujiya Mushaar la’aan soo wajahda

