Dowlada Wadanka mareykanka ayaa Kenya ugu baaqday in ay balaariso xerooyinka dhadhaab iyo sidookale xerada ifo2 ee kutaala dalka Gudaha wadanka Kenya.
Mareykanka ayaa Kenya ka dhaadhicinaya qorshe lagu weyneenayo xerooyinka barakacayaasha ay ku jiraan soomaali badan oo kunool dhadhaab.
Tan iyo sanadkii 2011 xerada dhadhaab ayaa waxaa gaaray qaxootigii ugu badnaa oo katagay soomaaliya waxaana xiligaasi dalka ka jiray abaaro xoogan.
Dhadhaab ayaa ah xerada ugu weyn Kenya oo ay ku jiraan qaxootiga ugu badan waxaana tirade qaxootiga ee kunool lagu qiyaasaa 90,000 oo ruux.
July 15, sanadkii 2011, dowlada mareykanka ayaa soo saaratay amar ah in la weyneeyo xerada dhadhaab iyo ifo2 oo ay kunool yihiin qaxooti badan xiligaan

