Cumar C/rashiid: Dowlada Soomaliya Waxa ay la Wareegi doontaa Goobaha ay ku sugan Yihiin al-shabaab

0

Raisulwasaaraha dowlada soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke oo ku sugan dalka Marekanka ayaa ka Hadlay qordhaha dowlada somaliya kaga aadan la dagaalanka xarakada al-shabaab oo ku sugan qeybo kamid ah Gobolada dalka

Isago wareysi siinayay wakaalada wararka AP ayuu sheegay Raisulwasaaraha dowlada soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke in ciidamada dowlada soomali ay diyaar u yihiin in ay la wareegaan Goobaha ay ku sugan Yihiin al-shabaab ee Gobolada dalka soomaliya

Raisulwasaare Sharmarke ayaa sheegay in Goobo badan iyo Magaalooyin ay ku sugnaayeen al-shabaab ay la wareegeen ciidamada dowlada soomaliya iyo ciidamada midowga africa ee amisom ee ka socda wadamada Uganda iyo Burundi

Raisulwasaaraha dowlada soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke ayaa sidoo kale ka hadlay weerarada ay soo qaadaan al-shabaab kuwasoo lala beegsado goobaha ay ku sugan Yihiin ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom

Cumar C/rashiid Cali sharmarke Waxa uu sheegay in weerarada ay soo qaadaan al-shabaab in ay Yihiin kuwa aan  wax ka badali doonin nabada ay ku jiraan dadka soomaliya

Ugu dambeyntii wareysiga uu siiyay raisulwaasaraha dowlada soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke ayuu ugu Mahadceliyay ciidamada ka socda Midowga africa ee wali sugan Gudaha soomaliya kuwasoo la wareegay Goobo Badan ay ku sugnaayeen ciidamada al-shabaab ee Gobolada dalka soomaliya

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here