Ciidamo ka Tirsan kuwa Ethopia ayaa maanta ka Ruqaansaday Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan iyagoona u Jiheystay dhanka Deegaanada Galbeed Ee Gobolka Hiiraan
Kaptan Aadan Maxamuud Calasoow oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada soomaliya ee Gobolka Hiiraan ayaa Radio simba u sheegay in ciidamo ka Tirsan kuwa Ethopia ay Maanta ka baxeyn Magaalada Beledweyne iyagoona u Jiheystay dhanka Galbeed Ee Gobolka Hiiraan oo ay ku sugan Yihiin ciidamo ka Tirsan kuwa al-shabaab
Sidoo kale Kaptanka ayaa sheegay in ciidamada Ethopia ay diyaar u Yihiin la dagaalanka ciidamada al-shabaab oo wali ku sugan Gobolka Hiiraan qeybo kamid ah
Gobolka Hiiraan qeybo kamid ah wali waxaa ku sugan Ciidamada al-shabaab oo dhawaan lagala wareegay Goobo Badan ay ku sugnaayeen sanadihii dambe

