spot_img

Xog:-Taliyaha Nabad Sugida Jeneraal C/laahi Gaafow oo Xilka Laga Qaadayo

Ilo xog ogaal ah oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu dhawaan qaadi doono talaabo uu xilka kaga qaadayo Taliyaha Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed islaamrkaana uu ku maagcaabayo Taliye Cusub.

Sababta uu talaabadana u qaadayo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) ayaa lagu sheegay In ay la xiriirto isbadal lagu sameeyo amniga magaalada Muqdisho, oo tan iyo markii lasoo dhisay Dowladda Cusub Marti galisay qaraxyo, dilal qorshaysan oo dhaca xiliyada Maalinkii iyo habeenkii.

Sidoo kale Sababta uu Madaxweynaha Soomaliya arintaan u sameynayo ayaa lagu sheegay in ay tahay in la dhowr nidaamka awood qeybsiga beelaha Soomaliyeed, iyadoo aysan suurta gal noqon Karin in labo mas’uul oo isku beel ah ay xilal muhiim ka qabtaan Dowladda Soomaliya, islamarkaana dhamaantooda ah fulin.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo uu xilka Taliyaha Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed u magacaabayo Taliyihii hore Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg kaasi oo 1-dii bishii October sanadkii 2016-kii laga qaaday xilka.

FG:-Xogtaan waa mid ay Heshay Idaacadda Simba

Related Post

Wararka