spot_img

Maxaa Ka Jira in Dowladda Soomaaliya ay ka Laabatay Kiiska Muranka badda

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay warar lagu qoray qaar ka mid ah Warbaahinta, kaasi oo lagu sheegay inuu isbeddelay Mowqifka Dawladda ee ku aadan qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/nuur Maxamed Axmed oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in warkaas uu yahay been abuur.

“Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah” Ayuu yiri C/Nuur Maxamed Axmed

Related Post

Wararka