Iyadoo dhawaan lasoo magacaabay taliyaha cusub ee ciidanka Kenya ee qaybta ka ah Ciidamada AMISOM ayaa Taliyaha Cusub ee Ciidamada Guud ee Kenya Janeraal Roberto Kibochi ayaa socdaal ku yimid deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose markii ugu horreysay tan iyo markii Bishii hore xilkaasi loo Magacaabay.
Waxaa uu booqday deganno ay ciidamada AMISOM saldhigyo ay ku lee yihiin, waxaana ka mid ah goobaha uu booqday, Taabta, Bilis qooqaani, Hoosingow iyo degmada Afmadow.
Roberto Kibochi ayaa Saraakiisha Ciidamada kala hadlay dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab ee ka socda deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka ee xaduuda la leh Kenya,waxaana saraakiisha uu maray inay dar dar geliyaan howlgallada Al-Shabaab looga saarayo gobolada Jubbooyinka.
Ciimada AMISOM ayaa dagaal kula jira AL-shabaab waxaana tiro dhowr jeer ah lasoo magacaabay talyaal cusub oo hoggaanka kala wareegi doono taliyaashii ka horreeyay.

