spot_img

Galmudug oo Laga Dareemayo Diyaar Garowga Soo Dhaweynta Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynata Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Xaaf ayaa sheegay in maalinka Isniinta ah uu Madaxweynaha tegi doono Magaalada Cadaado, dhammaan shacabka Galmudugna ay si niyad sami ah ugu diyaar garoobeen soo dhaweynta Farmaajo.

Wuxuu sheegay marka uu Madaxweynaha yimaado in uu booqan doono dhammaan degaannada Galmudug, ayna u bandhigi doonaan baahiyaha daran ee ka jira deegaanada Galmudug ee ay abaaruhu halakeeyeen iyo degaannada horumarinta u baahan ee halkaasi ku sugan.

Madaxweyne C/laahi farmaajo ayaa Todobadii Bishan booqasho ku tagey Magaalada Garoowe iyo degaanno ka tirsan Puntland, isagoo dhawaanna ugu sii tallaabi doono Galmudug, wuxuuna socdaalkani yahay mid nabadeed oo laysugu soo dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed.

Related Post

Wararka