spot_img

Dhageyso:- Wasaarada Waxbarashada oo ka Hadashay Qaabkey ugu diyaar Garowday Xuska Qorista Farta Soomaaliga,

Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare  ee xukuumadda Soomaliya ayaa ka hadashay qaabkey ugu diyaar gorowday 44-sano Guurrada Kasoo Wareegatay marki lahirgaliyay Qorista Farta Soomaaliga,

Wasiirka Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda soomaliya Marwo Khadra Bashiir Cali oo maanta shir jaraaid ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in wasaarada Waxbarashada, Wasaaradda Warfaafinta iyo bulshada Rayidka  ay isku diyaariyeen qaabkii loo xusi lahaa 44-sano Guurradii Kasoo Wareegatay Qorista Farta Soomaaliga,   oo ku beegan 21-bishaan junuary. Iyadoona wasiirada ay sheegtay inta la gaarayo maalintaas ay sii wadi doonto wacyigalinta ku aadan sidii afka soomaliya iyo qoristiisa loogu hirgalin lahaa  xafiisyada dowlada iyo goobaha waxbarashada.

Wasiirka Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda soomaliya Marwo Khadra Bashiir Cali ayaa dhanka kale sheegtay in la Furi doono 21-bishaan  xarunta Akademiyada Fanka isla maarkaana uu xariga ka jari doono Madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud,   iyadoona sheegtay in Tariikhyada dalka aan waxba laga qorin.

21-ka bishaan Junuary waxa ay ku beegan tahay maalintii la qoray Farta soomaliga sanadkii 1972  waxaana laga joogaa 44-sano

Related Post

Wararka