spot_img

Al-shabaab oo Sheegtay Qaraxyo Ka Dhacay Magaaladda Dhuusa-mareeb

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxyo ka dhacay magaaladda Dhuusa-mareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug.

Warbaahinta Al-shabaab, ayaa baahisay in qaraxyadda lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen saraakiil ka Tirsan Maamulkii Ahlusuna ee Heshiiska la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay kasoo horjeedka Xerada Inji oo uu ka socdo diiwaangelinta Ciidamadii Ahlusuna kuwaas oo lagu biirinayo ciidamada dowladda Federaalka.

Daqiiqado kadib markii uu qaraxa koowaad dhacay ayaa qarax labaad laga maqlay magaalada waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda laba weerar oo ka dhacay bartamaha magaalada.

“Shabaab ayaa howlgallo khasaara lagu gaarsiiyay Ciidamadda Ahlusuna ka fuliyay magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galguduud” ayaa lagu yiri war kooban oo Xarakadda Al Shabaab kasoo baxay.

Dhanka kale Maamulka galmudug oo ka hadlay  qaraxyadda ka dhacay magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa sheegay in qaraxa koowaad u ku dhintay  qofkii isa soo miidaamiyay,halka qaraxa labaad la fashiliyay.

Related Post

Wararka