Dowladda Soomaliya Iyo Al-shabaab oo War Kasoo Saaray Geeridda Abuu Cubeyda.

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in uu geeriyooday hogaamiyihii Xarakadda Al-shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda.

War lagu baahiyay warbaahinta Codka Ciidamadda Qalabka sida ayaa lagu sheegay in Axmed Diiriye Abuu Cubeyda oo mudooyinkii dambe xanuunsanaa uu isniin shalay  ku geeriyooday Degmadda jilib ee Gobolka Jubadda Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Taliyaha howlgalinta ciidanka xoogga qeybta 43Aad G/sare Ismaciil sheikh isxaaq ayaa xaqiijiyay inuu geeriyooday Axmed diiriye Abuu cubeyda oo ahaa hogaamiyihii Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in uu u geeriyooday cudur ka haleeyay kilyaha islamarkaana mudooyinkii dambe uu sariir la jiifay.

Dhanka kale Xarakadda Al-shabaab ayaa beenisay in uu geeriyooday hogaamiyahooda sida ay ku baahiyeen barahooda bulshadda.

“Warka kasoo yeeray kooxda Farmaajo ee ku aaddan in uu geeriyooday Sheekh Abu Cubayda ama uu xanuunsan yahay waa waxba kama jiraan, waxaa looga danleeyahay in lagu daboolo khiyaanadii ay dhowwaan ku kacday Dowladda Farmaajo hogaamiyo markii afar kamid ah dekedaha dadka Soomaaliyeed ay ku wareejisay dowladda Itoobiya Waxay doonayaan in ay bulshada Soomaaliyeed ka mashquuliyaan ka dhiidhinta khiyaanada ay galeen”ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here