Fantasiyo iyo dabaaldagyo ayaa xalay hareeyay fagaarooyinka iyo wadooyinka Magaalada Jabuuti ee caasimada wadanka Jabuuti kadib sanad guuradii 41-aad ee kasoo wareegatay markii ay ka xuroobeen isticmaarkii Faransiiska.
Munaasabadaha lagu xusayay Xurnimadda Jabuuti waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaas, iyo marti sharaf kale.
Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa waxaa munaasabadaasi uga qeyb galay Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan kaas oo laba maalmood kahor gaaray dalka Jabuuti
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar oo munasabadda ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay Xurnimadda Jabuuti iyo dhibaatooyinka loosoo maray.
Geele ayaa sheegay in ma’suuliyad weyn ay ka saaran tahay qof kasta oo Jabuuti ah xaqiijinta hiigsiga soo jireenka ah ee ku qotoma Jabuuti xor ah oo mideysan wuxuuna mucardka ugu baaqay inay dalkooda kusoo laabtaan una balanqaaday inay si nabad ah ugu noolaan karaan.

