Doorasho ka dhacday dalka Turkiga oo ay ku tartameen xisbiyada Mucaaradka iyo kan talada haya ee dalkaasi ayaa waxaa ku guuleystay madaxweynaha iminka talada haya ee Rajab Dayib Ordugan.
Madaxweyne Rajab Dayib Ordugan oo ka tirsan xisbiga AK ayaa ku guuleystay codadka la tiriyay boqolkiiba 52.5 oo u dhiganta in kala bar shacabka Turkiga ay u codeeyeen madaxweyne Ordugan.
Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay guusha uu gaaray madaxweyne Rajab Dayib Ordugan oo ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalka Turkiga.
Siyaasi Maxamed Aadan Xuseen Geneey oo ka faalooda arimaha Somaliya iyo kan caalamka oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay doorashadii taariikhiga aheyd oo inta badan wadama caalamka indhaha ku hayeen ee uu ku guuleystay madaxweynaha talada haya ee Turkiga.
Siyaasi Maxamed Aadan Xuseen Geneey ayaa sheegay doorashada ka dhacday Turkiga iney aad ugu farxeen shacabka soomaaliyeed oo ay u arka mar hadii uu madaxweyne Ordugan guuleystay ay lamid tahay soomaaliya oo soo kabatay, maadaama Turkiga uu yahay saaxibka koowaad ee Soomaaliya.
Maxamed Aadan Xuseen Geneey oo wax laga weydiiyay is bar bardhiga dowladdaha Sacuudiga iyo Turkiga mashaariicda ay ka fuliyaan soomaaliya, ayuu siyaasiga sheegay ineysan isku dhigmin, sababto ah turikiga uu soomaaliya abaal weyn ku leeyahay, marka loo eego mashaariicda dhismaha u badan ee uu ka fuliyay muqdisho, sida dhismaha wadada Maka Almukarama Isbitaalka Ordugan gurmashadii 2011 iyo dhismaha xarunta bababarka ciidamada dowladda ee Turkiga uu ka furay magaalda Muqdisho.

