Al-shabaab oo Sheegay in ay Dileen Askari Mareykan, Kuwa Kalana ay Dhaawaceen

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Baar-Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka jubadda Hoose ayaa ku waramaya in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo huwan ah oo iskugu jira Maraykan, Kenyaati iyo Soomaali.

Shabaab ayaa weerarkaan u adeegsaday madaafiicda goobta iyo qoryaha sabanada loo yaqaano ee garbaha laga rido, wuxuuna weerarka si gaar ah kaga dhacay deegaanka Baar-Sanguuni oo qiyaastii 45 KM dhanka  waqooyiga uga beegan Magaalada Kismaayo.

Al-shabaab oo dagaalkaan ka hadlay ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen ugu yaraan hal askari oo Maraykan ah, ayna ku dhaawaceen afar kale kuwaas oo dhaawacooda uu yahay kuwo aad u liita.

Waxaa la xaqiijiyay in dhaawacyadda Ciidamadda Mareykanka ay qaaday Diyaaradd Helicpoter ah, oo ka dagatay deegaanka Baar-Sanguuni.

Taliska Ciidamada Al-Shabaab ayaa war uu soo saaray waxaa lagu sheegay in weerar lagu qaaday Ciidamada Maraykanka ah uu ahaa mid sidii loo qorsheeyay u dhacay, isla markaana Shan ka tirsan ciidamadaas ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here