War Deg Deg:-Labo Xildhibaan oo Lagu Dilay Weerar

0

Weerar lagu dilay labo Xildhibaan oo ka Tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle, ayaa ka dhacay deegaanka Ceelka Geelow oo u dhaxeeya Balcad iyo Qalimow ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamo ka Tirsan Shabaab ayaa jidka u galay Gaadiid ay la socdeen Xildhibaanadda oo kasoo amba-baxay Jowhar,islamarkaana kusoo jeeday magaalada muqdisho.

Shabaab iyo Ciidamadii la socday Xildhibaanada ay la sheegay in dagaal uu dhex-maray islamarkaana ay xildhibaanada ku geeriyoodeen.

Magacyadda xildhibaanadda weerarka lagu dilay ayaa lagu kala sheegay  Ismaaciil Muumin  iyo Macalin Daahir.

Sidoo kale waxaa weerarka lagu dilay askar ka Tirsanaa Maamulka Hir-shabeelle, gaadiidna waa lagu gubay.

Shabaab ayaa sheegtay weerarka ka dhacay deegaanka Ceelka Geelow oo u dhaxeeya Balcad iyo Qalimow ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here