Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd waxa ay Degmadda Wadajir ee Gobolka banaadir ay ku dileen Odey Ugaas ahaa.
Dilkaan ayaa ka dhacay meel ku dhow Masaajidka Uunlaay, sidoo kalana u dhow Saldhiga Degmadda Wadajir.
Kooxo ku hubeysnaa Bastooladdo ayaa fuliyay Dilka Ugaaska oo lagu magacaabi jirey Macalin Daahir Tifow,kaasi oo si weyn looga yaqaanay Degmadda.
Qof kamid ah dadkii ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa inoo sheegay in ragga hubeysnaa ay Ugaaska ka toogteen qeybaha sare ee jirka islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.
Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwaasi oo goobta ka sameeyay baaritaan.
Amniga Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa faraha ka baxay Maalmihii dambe,waxaana bishaan Ramadaan lagu dilay dad kor u dhaafaya 50-ruux.

