Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa ka warbixiyay dagaalkii xooganaa ee maanta ka dhacay degmada Baraawe ee isla Gobolka shabeelaha Hoose,
Afhayeenka Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose Maxamed shiino oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka Gobolka uu xiligaan ku howlan yahay xalinta dagaalka dhaxmaray ciidamada kawada Tirsan kuwa dowlada soomaliya gaar ahaan kuwa Malatariga iyo Nabad sugida,
Maxamed shiino afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeedka Soomaliya waxa uu sheegay in la geyn doono goobaha hada lagu dagaalamayo ciidamo ka Tirsan kuwa Midowga Africa ee amisom ee ku sugan Goobaha Shabeelaha Hoose,
Dhanka kale Ilaa hada la ogo qasaaraha dhashtay dagaalka maanta ka dhacay Degmada Baraawe ee Gobolka shabeelaha Hoose

