Waxaa gabi-ahaanba la xiray Safaaradii ay dowlada Sacuudiga Arabia ku leedahay Magaalada Tehran ee wadanka Iran kadib markii weerar ay ku qaadeen koox ka careysan dilkii ay shalay dowlada sacuudiga ku fulisay wadaadka shiicada ahaa ee lagu magacaabi jirey Sheikh Nimr al-Nimr,
Dad badan oo u dhashtay Iran ayaa iskugu soo baxay Magaalada Tehran ee Caasimada dalkaas kuwasoo watay sawirka Sheikh Nimr al-Nimr, oo kamid ahaa 47-qof oo shalay lagu filyay xukun dil ah oo ka dhacay Magaalada riyad ee wadanka sacuudiga madaama ay dowlada sacuudiga ay dadkaas ku eedeysay in ay doonayeen in weeraro ay ka fuliyaan Gudaha wadanka Sacuudiga.
Dhanka kale dowladaha cambaareeyay falalkii ay dowlada sacuudiga xukunka dilka ah ay ugu fulisay 47-qof waxaa kamid ah dowlada wadanka Mareykanka oo falkaas ku Tilmaamtay mid abuuri kara colaad siyaasadeed,
Afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka, Rear Admiral John Kirby oo warbaahinta Mareykanka la Hadlay ayaa Tilmaamay in falka la sameeyay uu keeni karo dagaal dhaxmara shiicada iyo suniyiinta,

