Maamulka Degmada Xamar Jajab  oo Si kulul kaga Hadlay Fal ay Ciidamada booliska Soomaliya ay  Sameeyeen

0

Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab  ee dowlada soomaliya  Axmed Cismaan Dhoore oo  si kulul kaga hadlay fal ay ciidamada booliska dowlada soomaliya ay ka sameeyeen gudaha degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir,

Mudane Axmed Cismaan Dhoore ayaa sheegay in ciidamada  dowlada soomaliya gaar ahaan kuwa booliska ay jirdil u geysteen dad masaakiin ahaa oo u badnaa waayeelo oo ku  noolaa gudaha degmada xamar jaja isagoona sidoo kale xusay in dadka jirdilka loo geystay ay qeyb ka aheyd haweeney jirtay 80-sano oo ku sugneed xaafadda Qasabka ee Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab ayaa sheegay in hada ka hor ay dacwadaan Furmatay baaritaano la sameeyay kadib la ogaaday in haweeneyda shalay la jirdilay ay si sharci ah  ku leedahay Guriga shalay ay weerareen ciidamada dowlada soomaliya,

Dhanka kale Axmed Cismaan Dhoore waxa uu dowlada soomaliya ugu baaqay in aan dareyska ciidamada dowlada soomaliya lagu dhibaateynin shacabka soomaliyeed ee masaakiinta ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here