Taliyaha ciidanka Nabadsugidda ee deegaannada Maamulka Galmudug Saadaq Cumar oo warbaahinta kula hadlay degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa ugu digay shacabka deeganada Maamulka Galmudug in guryaha laga kireeyo shaqsiyaad aan la hubinin waxa ay yihiin ama baabuur laga kireeyo dad aan la gareynin.
Saadaq Cumar waxa uu tilmaamay in arintaan ay ugu talageen xaqiijinta amaanka deeganada uu ka arimiyo maamulka galmudug kadib markii laamaha amaanka ay haleen warar ku aadan in deeganada maamulka galmudug ay soo galeeb rag ka Tirsan al-shabaab,
Dhanka kale Taliyaha Nabad sugida Maamulka Galmudug Saadaq Cumar Waxa uu sidoo kale digniino culus u jeediyay dadka ku Howlan jarista dhirta, isagoo xusay iney talaabo adag ka qaadi doonaan kuwa ku howllan xaalufinta dhirta deegaannada hoos yimaada maamulka Galmudug,
Taliyaha ciidanka Nabadsugidda deegaannada Galmudug Saadaq Cumar waxa uu mahad balaaran u jeediyay Taliska Booliska Maamulka Galmudug oo uu sheegay in ay kala qeyb qaataan sugida amniga deeganada uu ka arimiyo Maamulka Galmudug,

