Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa muujisay sida ay uga xun tahay una cambaareeneyso xariggii ay u geysteen ciidamada amaanka Somalia diyaarad rakaab ah oo u diiwaan gashan Isutagga Imaaraadka Carabta maalintii axadda oo ay taariikhdu ku beegneyd 8-da April.
Diyaaradda waxaa lagu qabtay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaa saarnaa 47 ka tirsan ciidama Imaaraadka Carabta waxaana lagu qabtay lacag loogu talagalay in lagu taageero ciidamada Soomaaliya iyo kuwa tababarka ku jira oo, hadda halis ayey ku jirtaa.
Hub iyo tacadiyo ayay u geysteen shaqsiyaad ka tirsan ciidamadda ammaanka Soomaaliya kuwa Imaaraadka Carabta.
Sida laga soo xiganayo masuuliyiita Hay’adda WAM, diyaaradda waxaa la daahiyey dhawr saacadood.
Tirada lacagtaas ah waxaa loogu talagalay in lagu taageero ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ku saleysan heshiiskii is afgarad ee ay labada dal kala saxiixdeen bishii November 2014 oo ahaa sare u qaadidda iskaashiga dhinaca military ee labada wadan.
Wasaaradda arimaha dibadda waxa ay warbixin ku soo saartay in tallabadaas ahayd mid sharci darro ah oo khilaafeysa nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadda u dhexeeya labada wadan waana mid xadfudub weyn ku ah heshiiskii ku qornaa is afgaradka, taas oo meel ka dhac ku ah qanuunka caalaamiga ah iyo nidaamka caalamiga ah.
“Isutagga Imaaraadka Carabta waxa ay ka xun tahay ku xadgudubkan sharciga caalamia ah iyo nidaamka, xilli ay Isutagga Imaaradka Carabtu wax walba haddii ay ahaan lahayd siyaasad, dhaqaale, military iyo arimaha bili’aadannimo ka taageeertay xilliyada ugu madaw dowladda Federalka-ka Soomaaliya si loo dhiso ciidamada iyo xasiloonida.”

