Wasaaradda Amniga oo Ka Hadashay Xirnaanshaha Wadooyinka Ciidamadda La Qaaday

0

War ay soo saartay Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay Ciidamada qeybahooda kala duwan oo muujiyey dadaalka weyn iyo nafhurnimada ay ku badbaadiyeen nolosha dadweynaha kagana hortagay falalkii Al-shabaab ay doonayeen in ay ka fuliyaan magaaladda Muqdisho.

Sidoo kale,wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa Shacabka Muqdisho la wadaagtay ineysan jirin Ciidamo laga qaaday Isgoysyada magaalada Muqdisho,waxaana Warsaxaafadeedka lagu sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay wado qorshe dib u habeyn oo Ciidamada ay ku sii xoojinayaan Amniga iyo ilaalinta bedqabka muwaadinka.

Halkaan Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka Wasaaradda Amniga Gudaha:-

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay bogaadineysaa Ciidamada Amniga qeybahooda kala duwan oo muujiyey dadaal weyn iyo naf-humimo ay ku badbaadiyeen Nolosha Dadweynaha, kana hortegay falalkii Al-shabaab ay  lsku dayeen inay fuliyaan.

Wasaaradda waxay shacabka Muqdisho la wadaageysaa inaysan jirin Ciidamo laga qaaday Isgoysyada Muqdisho, balse Wasaaradda Amniga Gudaha waxay wadaa qorshe dib u habeyn ah oo Ciidamada Amniga ay ku sii xoojinayaan Amniga iyo ilaalinta bedqabka Muwaadiniinta, kuna fududeynayaan isu socodka Bulshada iyo Gaadiidka Caasimadda.

Sidoo kale waa waxba kama jiraan in Magaalada Muqdisho kala xiran tahay, taasoo ah dacaayad been abuur ah. Ujeedka Wasaaradda Amniga iyo qorshaha xukuumadda Soomaaliya waa in Muqdisho ay noqoto Magaalo nabdoon, iyadoo Ciidamada Booliska iyo Ciidamada Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda u taagan yihiin xoojinta nabadgelyada iyo ka hortagga falalka amni darxo.

Waxaan shacabka ka codsaneynaynaa inay Ciidamada la shaqeeyaan, kana qeyb qaataan sugidda ammaankooda, iyagoo xusuusan in Ciidamada Qalabka Sida ay Har iyo Habeen u taagan yihiin wadooyinka in Muwaadinku helo Nabadgelyo.

Ugu dambeeyn, Waxaa la farayaa Ciidamada inay muwaadiniinta ula dhaqmaan si ay ku jirto xaqdhowrid, ixtiraam iyo u dhimrin

Mahadsanidiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here