Al-shabaab oo Dilay Taliyihii Hay’adda Nabad Sugidda Deegaanka Ceelasha Biyaha

0

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay fiidkii lagu dilay halkaas sarkaal sare oo katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ahaa waxa ay ku qaadeen Col.Mustafa Beer Dilaacshe oo ahaa taliyaha Nabad sugidda deegaanka Ceelasha Biyaha,sidoo kalana horey usoo noqday Taliyaha Nabad Sugida degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahaa shabaab ayaa dilay Taliyaha iyo mid kamid ahaa Ilaaladiisa kadib markii ay rasaas ku fureen, iyagoona horey u sii kaxeystay gaari nuuca raaxada ah oo uu watay Col.Mustafa Beer Dilaacshe.

Dhanka kale Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay Mas’uuliyadda dilka taliyihii Nabad sugidda deegaanka Ceelasha Biyaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here