AMISOM oo Sheegtay In ay Ka Hortagayso Caqabadaha Xiisada Baarlamaanka

0

Matalaha madaxwaynaha midowga afrika, ahna madaxa ugu sareeyo ciidamada Amisom Francisco Madeira, ayaa ka hadlay khilaafka xoogan ee u dhaxeeyo xilibaanada aqalka hoose, gaar ahaan dhacdadii maalinnimadii arbacada.

Francisco Madeira, ayaa sidoo kale soo hadal qaaday hadalada sheegaya in Amisom, maalinnimadii arbacada ay taageero u muujisay qayb kamid ah, dhinacyada oo u dhaxeeyo khliaafka xoogan ee Barlamaanka soomaaliya, asagoona sheegay in Amisom, sharciga ay Soomaaliya ku joogto uusan u ogolaaneenin in ay taageerto hal dhinac.

“Waxaan laxariiray hogaamiyaasheena kale ee kusugan Addis Ababa, si aan ugu war galiyo hawsha aan ka wadno Soomaaliya in ay tahay tii sharciga ahayd taas oo ah sugida amniga ayadoona soo hoos galayso amniga xarunta Baarlamaanka”, ayuu yiri Francisco Madeira.

Matalaha madaxwaynaha midowga afrika ayaa hoosta ka xariiqay in ay xushmad wayn u hayaan dowladda soomaaliya, asagoona sheegay in ay rajaynayaan in khilaaf walba oo soo kal dhax galo gudaha dowladda Soomaaliya lagu xalin doono wadahadal.

Francisco Madeira, Matalaha madaxwaynaha midowga afrika, ahna madaxa ugu sareeyo ciidamada Amisom , ayaa u mahadceliyay dhamaan ciidamada qaranka soomaaliya iyo kuwa midowga afrika sida wacan ay uga go’antahay in marksta ay amaanka u sugaan.

Baryihii ugu dambeeyay waxaa jiray khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay xilibaanada aqalka hoose ayadoona Amisom, loo arko cidda kaliya ee ka hortagi karta in rabshado ay ka dhaxdhacaan gudaha xilibaanada baarlamaanka soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here