Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ee Mooshinka Gudoomiye Jaawari oo Baaqday

0

Sida ay inoo xaqiijiyeen Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa baaqday kulan maanta lagu waday in uu ka dhaco Xarunta Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa cod u qaadista Mooshinka Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari).

Xildhibaanadda ayaa sheegay in xalay waqti dambe ay kulamo yeesheen Islamarkaana lagu go’aamiyay in la baajiyo kulanka maanta.

Xildhibaanadda Mooshinka ayaa ku wargaliyay Laamaha amniga Dowladda Soomaaliya in uu baaqday kulanka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu wali jiro khilaaf adag oo u dhaxeeya xildhibaannada iska soo horjeeda lagana baqay in mar kale kulankaasi qalalaase gallo.

Waa kulankii Saddexaad oo baaqday, iyadoona kol hore uu baajiyay Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo Markii ugu dambeysana la sheegay in ciidamo ay qabsadeen xarunta Golaha Shacabka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here