Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) oo galabta warbaahinta kula hadlay xarunta Villa Hargeysa ayaa ka hadlay waan-waantii uu waday Madaxweyne Farmaajo.
Jawaari ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ku guul dareestay waan waantii uu ka dhax waday labada garab ee Xildhibaanada, waxa uuna sheegay in maalintii sabtida uu shirka baajiyay Madaxweynaha uu qabsaday 10-maalin uu wax ku xalinayo balse arintaasi hada meesha ka baxday.
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in meeshii uu ka sugayay Madaxweynaha soo jeedin odaytinimo iyo wixii sharci la raaco iyo in la isugu keeno labada dhinac uu ku guuldareystay, isla markaana isaga uu ku yiri is casil, taasna ay tahay wax aan la aqbali karin.
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shaqada Baarlamaanka ay tahay la xisaabtanka Xukuumadda balse, xukuumadii ay weerar kusoo qaaday Golihii sharci dajinta.
Gudoomiye Jawaari ayaa sidoo kale sharci daro ku tilmaamay kulanka beri la filayo in ay yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , kulankaa oo looga doodi mooshinka isaga laga gudbiyay.
Gudoomiye Jawaari ayaa sidoo kale sharcidaro ku tilmaamay kulanka uu maalinta bari ah ku dhawaaqay Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali muudey.

