Ciidamadda kumaadooska Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamo mareynkan ah ayaa xalay duqeyn diyaaradeed ka fuliyay degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Ciidamada ayaa si toos ah bartilmaameed kaga dhigtay fariisimo Xarakadda Al-shabaab ay ku lahayeen degmada Ceel buur.
Duqeynta kadib waxaa jiray howlgal dhanka lugta oo ay ciidamada ku galeen Gudaha degmada iyadoona ciidamada Bur buriyay saldhigyada Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha degmada ceel buur.
Gudoomiyaha Degmadda Ceel-buur Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xalay fiidkii saacadu marka ay eheyd 06:00 ay ciidamada kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamo mareynkan ah ay duqeyn ka fuliyeen degmada ceel buur.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamada Danab ay bur buriyeen Baro kontorool oo ay Xarakadda Al-shabaab ku lahayeen gudaha ceel buur .
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakadda Al-shabaab oo loogu hadlaayo duqeyntaan.

