Ciidamadda AMISOM oo Isaga Baxay Deegaanka Cali Fooldheere Iyo Shabaab oo Qabsaday

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM ay isaga baxeyn deegaanka Cali Fooldheere oo ah deegaan istiraatiiji ah oo kaabiga ku haya degmada Mahadaay ee Gobolkaas.

Boqolaal katirsan ciidamada Midowga Afrika AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa saaka isaga baxay deegaanka Cali Fooldheere oo qiyaastii 12 KM dhanka waqooyi uga beegan Degmadda Mahadaay.

Ciidamada Burundi oo ay kaabayeen saraakiil Caddaan Mareykan ah ayaa deegaanka Qabsaday 9-kii, Augst 2017-kii.

Dhanka kale Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al-shabaab, ayaa si nabadgelya ah kula wareegay gacan ku heynta deegaanka.

Ilaa haatan lama oga sababta ay Ciidamadda Burundi ugu baxeyn deegaanka Cali Fooldheere oo ah deegaan istiraatiiji ah oo kaabiga ku haya degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here