Kooxo hubeysan ayaa goordhaweyd waxa ay Xaafada Maana Booliyo Degmadda Shibis ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.
Ala Ha u Naxariistee Xildhibaanad Ruqiyo Abshir Gambane oo ka tirsaneyd baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa la dilay xili ay ku sugneyd Farmashi ay ku laheyd Gurigeeda.
Maamulka Degmada Shibis ayaa xaqiijiyay geerida Xildhibaanka.
Dhanka kale goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka omaliya.

