QM oo Sheegtay in Kumanaan Qaxooti ah ay Dib Ugu Soo Celinayaan Soomaaliya.

0

Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan dhanka Qaxootiga (UNHCR), ayaa sheegtay in Soomaali ka badan 70,000 oo qaxooti ahaan ugu noolaa xeryaha waa wayn ee ku yaalo gudaha dalka Kenya ay dib ugu celiyeen gudaha dalka Soomaaliya, tan iyo bishii December ee sanadkii 2014-kii.

Hay’adda UNHCR ayaa ku waramaysa in qaxooti gaaraya 75,175, laga taageeray in ay ka tagaan xerada ugu wayn ee qaxootiga Kenya Dhadhaab, dadkaas oo si iskood ah Soomaaliya ugu soo laabanayay Sadaxdii sano ee la soo dhaafay.

In ku dhaw 2,463 ruux ayaa ka tagtay xerada Dhadhaab, sanadkaan oo kali ah, kuwaas oo meelaha ugu badan ay tageen ay tahay maagaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho, sida ay Hay’adda qaxootiga ku waramayso.

Kenya ayaa sheegtay in illaa iyo xad ay marti galisay qaxootiga Soomaalida, waxa ayna Kenya sheegtay in lagaaray waqtigii ay qaxootiga Soomaalidu tagi lahaayeen dalkooda, ayadoona cabsi xoog leh ka muujinaysa in sii joogitaanka qaxootiga Soomaalida ay cabsi wayn ku keeni karto amaanka iyo xasiloonida dalkeeda.

Dowladaha ka Tirsan Urur gobolaydka IGAD, ayaa isbuucii lasoo dhaafay waxa ay Nairobi kaga arin sadeen sidii loo xiri lahaa Xerada Dhadhaab, iyo sidii qaxootiga Soomaalida looga caawin lahaa dhaqaalaha ay dib ugu laabanaayaan dalkooda.

Sidookale IGAD waxa ay isla falanqeeyeen in qatarta ugu badan ee weerarada Al-Shabaab ay ku soo qaado gudaha Kenya, ay qayb ka tahay furnaashaha xeryaha qaxootiga ee Kenya.

Sida laga soo xiganayo UNHCR, qaxooti gaaraya 171 ayaa haatan iska diiwaan galiyay in ay ku qanacsan siyihiin in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya, ayadoona sidoo kale UNHCR, sheegaysa in ay rajo wayn ka qabaan in 16,325 qaxooti ah ay isku soo diiwaan galiyaan in ay dib u laabtaan.

Sanadkii 2014-kii ayay ahayd markii heshiis Saddex geesood ah uu dhax maray dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda UNHCR, heshiiskaas oo ahaa in dib loo celiyo Soomaalida sida qaxooti ahaanta ugu nool xeryaha ku yaalo gudaha dalka Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here