Ciidamadda amaanka gaar ahaan kuwa Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa dekedda muqdisho ku qabtay Konteenar ay ku jireen waxyaabaha maanka dooriya gaar ahaan Qamri.
Saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in gudaha dekedda muqdisho ay ciidamada Nisa ay ku qabteen konteener ay ku jireen qamri
“Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa nisa ee ka howlgala gudaha dekeda muqdisho ayaa gacanta ku dhigay konteenerkaan oo ay ku jireen qamri”,
Saraakiisha Hay’adda Nisa waxa ay xaqiijiyeen in qamrigaan la rabay in gudaha Magaalada Muqdisho lagu iibiyo iyagoona ay ciidamada ka hortageen.

