Ardaydaan la la’ yahay oo markii hore gaarayeen illaa iyo 7 arday oo wax ka barta jaamacadda caalamiga ah ee ganacsiga beeraha iyo tiknoolajiyada ee dalka Bangladesh ayaa la waayay saddex bilood kadib markii ay jaamacadda iska diiwaan galiyeen sanadkii 2016’kii.
Ardayga kali ah ee ka soo badbaaday ardayda lawaayay ayaa ah Siraaji Maxamed oo kamid ahaa 6’da arday oo lagu la’yahay caasimada dalkaasi Bangladesh ee Dhaka muddo ku dhaw sanad.
Ardayda la’ layahay ayaa lagu kala magacaabaa, Sakid Hasan Bue, Abdi Rahman Abdullahi Hasan, Mohammad Abukar Dahir, Ali Salad, Sakir Omar Sheikh Abdul Kadir, Abdir Rahman Abdullahi Hasan.
Taliyaha Booliska magaaladda Uttara Mahmudul Hasan ayaa sheegay in ay wali wadaan baaritaano ku adan sidii lagu heli lahaa ardayda maqan.
Waxaan koobi ka sameesanay dhamaan baasabooradoodii yaalay jaamacadda si aan ugu wargalino madaxda laanta socdaalka in ay hubiyaan in ardayda lala’yahay wali lagu hayo qaybo kamid ah Bangladesh iyo in loo gudbiyay wadamo kale.
Madaxda jaamacadda “IUBAT” ayaa sheegay in jaamcadooda ay dhigtaan arday kakala timid wadamada Nepal, Meldives iyo Soomaaliya, ayagoona intaasi sii raaciyay in ardayda Soomaalida ah ay gaarayeen illaa iyo 7 arday kuwaas oo haatan lala’yahay 6 kamid ah, halka Siraaji Mohamed uu dib ugu soo laabtay waxbarshadiisii.
Maamulka jaamacadda IUBAT ayaa sheegay in ardaydan markoodii hore ay dalka soo galiyeen hay’ad lagu magacaabo Banana Group oo ka caawiso ardayda helitaanka wax barashada dalalka dibadda.

