Kulanka Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ee dalka waxaa maanta soo xaadiray 39 sanator,waxaana shir Goddominayay Goddomiyaha Baarlamanka Aqalka sare Cabdi xaashi Cabdulaahi.
Ajandayaasha Kulanka Xildhibaanada Aqalka sare ayaa Waxaa ay ahaayeen ilaa iyo 3 ajande oo kala ah.
1-Akhrinta 1aad Ee sharciga Kheyraadka Biyaha.
2-Ku Dhawaaqista Guddiga Baarista iyo Daba-Galka Weerarkii lagu qaaday Guriga Sanator Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid.
3-Xaalada ka TagaanXaduud Soomaaliya iyo kenya Ee Arinta Balad-xaawo.
Ugu horeyntii Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa sharciga Kheyraadka biyaha waxaa u akhriyay Wasiirka Wasaarada tamarta iyo biyaha Saalim Caliyow Ibrow.
Intaasi kadib Xildhibaanada ayaa guda-galay ajandaha xiga ee ku dhawaaqista Guddiga Baarista iyo dabo-Galka weerarkii lagu qaaday guriga Sanator Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid.
Guddiga uu soo Gudbiyay Goddomiyaha Baarlamanka Golaha aqalka sare iyo Guddiga Joogtada Ayaa waxaa Warbaahinta uu aqriyay Xoghayaha Guud ee golaha Aqalka sare.
Halkaan Hoose ka Dhageyso guddiga La Magacabay

